Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya Oo dilay xubno ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Garissa ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay dileen illaa iyo 4 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen Keymaha xadka maamullada Lamu iyo Gariisa ee dalkaasi.

Taliyaha howlgalka la daagaalanka Al Shabaab ee Keymaha Boni Joseph Kanyiri ayaa xusay in ay dileen xubnahaasi, islamarkaana ay ka furteen 6 Qoray oo Nuuca AK47 ah iyo rasaastii ay wateen, sida uu hadlka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Ijara, ayna hortageen weerarkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamadooda iyo Dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan Al Shabab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin  deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

The post Ciidamada Kenya Oo dilay xubno ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this