Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqolaal Kun Oo Qof Oo Ka Qaxay Dowlad Deegaanka Soomaalida Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Ha’yadda NRC waxay sheegtay in kabadan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay dalka Itoobiya, dadkan ayaa u qaxay Dowlad Degaanka Soomaalida tan iyo bishii July.

33f26974-58a5-4891-b3b7-8193b780e4cb-1.j

NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof.

Inta badan dadkan waxay kasoo barakceen gobolka Oromada, guud ahaan deegannada soomaalida ee Itoobiya waxaa ku barakacay ku dhawaad 1.1 milyan oo qof.

Dadkan ayay ha’yadda sheegtay inay ka qaxeen abaaraha iyo dadaad ku dhuftay deegannadooda.

“Dagallaada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayuu yiri la taliyaha ha’yadda NRC ee xaaladaha gobolka,Evelyn Aero.

Wuxuu intaasi ku daray in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan.

Evelyn Aero ayaa qabaa in rabshadaha sannadkan ka dhacay Itoobiya ay noqdeen kuwo aysan ka war haynin beesha caalamka, dowladdana ay u raadinayso xal kama dambays ah xaaladaha baan’iiaadanimo.

Wuxuu ka codsaday ha’ayadaha gargaarka inay isha ku hayaan xaaladda isla markaasna gargaar ay gaarsiiyaan dadkan soo barakacay sii loo badbaadiyo nolosha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this