Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Amar ka dhan ah Al Shabaab looga dhaqan gelin karaa deegaanada GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Beledxaawo ayaa shacabka degmadaasi iyo deegaanada ku dhow dhow kusoo rogay amar ka dhan ah Al Shabaab oo ku xoogan Gedo deegaano ka tirsan.

Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland iyo maamulka Degmada Beledxaawo ayaa si wadajir ah u shaaciyay digniin ka dhan ah dadka shacabka ah ee u xukun doonta deegaanada Al Shabaab ay ka maamulaan Gedo.

Masuulyiinta ayaa sheegay in seddex kun oo doolar “$3000” lagu ganaaxi doono ciddii la ogaado inay u xukun doonatay Al Shabaab ama la macaamiishay xubno ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo oo amarkaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wanaagsan ah uusan dhex oolin Al Shabaab iyo maamulka degmada, islamaraakana aan la aqbali doonin inay macaamiil tamaan Al Shabaab iyo shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka degmada Baladxaawo waxaa soo wajahay cabsi, kadib markii ay Al-Shabaab kusoo dhawaadeen, waxaana jirta in Maamulka degmada uu ku amray Xaasaska Al-Shabaab inay degmadaasi isaga baxaan.

Waxaanan ogeyn sida amarkaasi uu u dhaqan geli doono, maadaama Al Shabaab ay canshuur ka qaadaan dadka deegaanka sidoo kalana aysan cabsi amni darteed diidi karin amarka iyo u yeeritaanka al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this