Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheikh oo Wasiirada & Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland la kulmay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kula kulmay golaha wasiirada maamulkaasi iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka.

Kulanka oo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda guud ee Siyaasadda Soomaaliya iyo horumarada uu gaaray maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa sidoo kale ah mid lagu soo dhaweynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqashadii ugu horeysay ku tegay Kismaayo tan iyo markii looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday 8 Bishii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2019.

Wafdiga Xasan Sheikh Maxamuud waxaa shalay magaalada Kismaayo usoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin kale, waxaana la socday xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.
FB_IMG_1542701249401.jpg FB_IMG_1542701254254.jpg FB_IMG_1542701259382.jpg FB_IMG_1542701265133.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this