Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Sh/dhexe Oo Loogu Baaqay La Shaqeynta Maamulka Gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi iney kala shaqeeyaan horumarinta iyo ammaanka.

Axmed Meyre Makaraan, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in isku duubnida shacabka iyo maamulka ay keeni karto horumar dhan walbo ah.

“Bulshada haddii ay mid tahay maamulkoodana la jiro waxaa hubaal ah in la gaarayo horumar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa mar uu ka hadlay arrimaha ammaanka wuxuu ka dalbaday shacabka gobolkaasi, iney u istaagaan sidii gacan loogu dhigi lahaa cid walbo oo amni darri wadda.

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maalmahan dambe aad ugu dedaalayey sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amni iyo tan bulsho ee gobolkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this