Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Xiisad Dagaal oo ka taagan gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada maamulka Galmudug iyo Al Shabaab ayaa ka taagan deegaano hoosta degmada Guriceel ee gobolka Galgadiuud.

Sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen waxaa saaka deegaanada Goole Goole iyo Dhagaxyaale ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Al Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo Al Shabaab, gelinkii dambe ee shalay waxaana Al Shabaab ay bilaabeen inay dib isku soo abaabulaan.

Ciidamada Galmudug ayaa dagaal saacado qaatay kadib waxay la wareegeen deegaanadii lagu dagaalamay, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay jiraan qasaaro xoogan oo labada dhinac kala gaaray.

Saraakiisha ciidamada Galmudug ayaa sheegay in ciidamadooda ay isku balaarin doonaan deegaanada hoostaga degmada Guriceel oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin.

Al Shabaab dhankooda Guulo ayay ka sheegteen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanada Goola Goole iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this