Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruux aan ka tirsaneyn Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo buuq ka dhaliyay Shir ay lahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirkii golaha wasiirada Hirshabeelle ee shalay uu ka dhashay Buuq iyo isfaham waa dhexmaray qaar ka mid ah golaha wasiirada HirShabeelle.

Lataliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka Warfaafinta Xasan C/qaadir Muudeey, ayaa isku dayay in golaha wasiirada uu horgeeyo Barnaamijka Socdaalka Hirshabeelle oo ah barnaamij uu dhaqaalo badan ku baxayo isagana uu diyaariyay.

Barnaamijkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la doonayaa in Fanaaniin iyo Wariyaal aan deegaanka kasoo jeedin la geeyo deegaanada Hirshabeelle si ay dhaqaalo badan ugu cunaan mashruuca Nabadeynta oo Muudeey soo abaabulay.

Arintaasi ayaa buuq ka dhex dhalisay shirka golaha wasiirada, waxaana wasiirada qaar ay sheegeen in xeer hoosaadkooda uu dhigayo in shaqsi aan wasiirada kamid aheyn uusan barnaamij horgeyn karin golaha wasiirada si loo ansixiyo..

Kadib wasiirada ayaa diiday  in mashruucaasi uu golaha horgeeyo shaqsi aan wasiir, wasiir kuxigeen ama wasiiru dowle aheyn, taasi oo keentay in wasiirada qaar ay ku doodaan in xeer hoosaadka ay jibayaan oo mashruucaasi la ansixiyo.

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda oo markiisii hore mucaarad ku ahaa Hirshabeelle ayaa xilkaasi loo dhiibay iyadoo lagu aamusinayo, waxaana kadib uu bilaabay inuu cadaadis saaro warbaahinta deegaanada Hirshabeelle.

Qaar kamid ah xildhibaanada kamid ah guddiga warfaafinta baarlamaanka ayaa ka dhiidhiyay in wariyaasha deegaanada Hirshabeelle iyo fanaaniinta deegaanka aysan ka mid ah qorshaha socdaalka ee uu diyaariyay Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka warfaafinta oo doonayo in shaqsiyaad uu yaqaano kamid noqdaan qorshahaan, kuwaasi oo Muqdisho ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this