Sign in to follow this  
Deeq A.

USA: Soomaali Sakaaro qalan oo dhiig ka daayo loo saaray Kawarka gawaadhidooda

Recommended Posts

Deeq A.   
sagarogari.jpg?resize=690%2C468

Aabe iyo cunug 14 jir ah oo uu dhalay ayay booliska gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka wax ka weydiinayaan sagaaro qalan oo dhiigeysa taas oo ay dul saareen labo ka mid ah gawaari parking gareysneyd kuwaas oo ay lahaayeen dad soomaali ah.

Labadan eedeysane ee is-dhalay ayaa gaarogooda kasoo dajiyay labada sagaaro, waxaana ay dulsaareen labo gaari oo sida la rumeysan yahay bar-tilmaameed u ahaa, walow ay sheegeen in ay iska dul-saareen islamarkaana eysan ogeyn cida iskalaheyd.

Waxa ay ku andocoodeen in ay doonayeen in ay “iska fogeeyaan” sagaarooyinkaasi, sidaasna ay u dul saareen gawaarida dushooda.

Booliska ayaanan rumeysan sheegashada labada eedeysane, waxaana ay aaminsan yihiin in arrintan ay xiriir la leedahay “fal cunsurinimo”.

Baarista ay wadaan booliska ayaa wali socota, waxaana ay dulmarayaan video muujinaya qaabka ay u fuliyeen fal-dambiyeedka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this