Deeq A. Posted November 20, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac ay kooxo hubeysan xalay ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir. Dhacdadani ayaa yimid, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Maqaaxi ku taalla agagaarka Hotel Lafweyn ee degmadaasi. Askariga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuux. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhintay 1 Qof oo shacab ahaa iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo ku sugnaa isla goobtaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay falkani ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Mid ka mid ah Ehellada dadkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dil.mp3 The post Saddex Qof Oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites