Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Qof Oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac ay kooxo hubeysan xalay ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir.

Dhacdadani ayaa yimid, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Maqaaxi ku taalla agagaarka Hotel Lafweyn ee degmadaasi.

Askariga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuux.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhintay 1 Qof oo shacab ahaa iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo ku sugnaa isla goobtaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay falkani ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Mid ka mid ah Ehellada dadkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan  hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dil.mp3

The post Saddex Qof Oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this