Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya Oo ku dagaalamay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana uu u dhexeeyay Ciidamada Kenya iyo  Xarakada Al Shabaab.

Sida la sheegay dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkaasi, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

The post Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya Oo ku dagaalamay Gedo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this