Deeq A. Posted November 20, 2018 Roma ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo si kooban ula hadlay Jaaliyadda ayaa sheegay in muddo 2 maalin ah uu joogi doono Talyaaniga. Waxaana uu tilmaamay in kulamo gaar gaar ah uu la qadan mas’uuliyiinta sar sare ee Wadankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-madaxweynaha.mp3 The post Madaxweyne Farmaajo Oo loogu soo dhaweeyay Roma appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites