Deeq A. Posted November 20, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Midowga Yurub ayaa waqtiga u kordhiyay howlgalkooda dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda Soomaliya, kaas oo la gaarsiiyay 31 December ee sanadka 2020-ka. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa meel mariyay Miisaaniyada howlgalkaasi oo oo gaareysa 22.9 Million oo Euro, taas oo loogu talagalay howlgalka laga bilaabo 1 bisha January ee sanadka 2019-ka illaa 31 December ee 2020-ka oo uu ku egyahay waqtiga howlgalkooda. Howlgalka dhanka tababarada ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa tababaro iyo latalin joogta ah siiya saraakiisha iyo Ciidamada dowladda, gaar ahaan Ciidanka Milatariga oo dagaal kula jira Xarakada Al Shabaab. Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada caalamiga ah ee sida weyn u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Midowga Yurub Oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites