Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Markii Ugu Horreysay Yeelatay Ciidammada Badda Iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Ku Dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu yeeshay ciidammo cusub gaar ah oo ilaalin doono badda isla markaasna la socon doono dhaqdhaqaaqyada howlaha ammaanka badda.

8e172349-05de-44b6-8123-f10c00c6a3e8.jpg

Waxaa la filaya in ciidammadan cusub uu sannadka kasta ku baxo qarash gaarayo 10Milyan doolaar.

Ciidammadan ilaalada badda ee Kenya yeelatay ayaa ka hortaggi doonaa badeecadaha sharci darrada ah,daroogada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha Kenya oo ku sugnaa munaasabad ka dhacday agagaarka badda Mombasa wuxuu ku amray ciidammada inay soo qabtaan doomaha shisheeye ee sida sharci darrada uga kalluumaysanayo badda Kenya.

Kalluumaysatada Kenya ayaa in muddo ah ka cabanayay tacaddiyo ay kala kulmaan ciidammada Uganda ee ku sugan harada Victoria gaar ahaan dhul lagu muransan yahay.

Ammaanka xeebaha Kenya waxaa inta badan ilaaliya ciidammada militariga ee loo tabbabaray ilaalinta halkaasi balse hadda waxay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyo militariga maadama dalkaasi uu yeeshay ciidammo u gaar ah ilaalinta biyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this