Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn La Beegsaday Saldhig Ururka Al-Shabaab Lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cadaley)-Wararka laga helayo deegaanka Cadaley oo u dhaw degmada Xaradheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo ka gaystayn halkaasi.

3250C85B-34C0-4C04-8F04-519204BAF4C9_w10

Waxaa lasoo warinayaa in duqeynmahaas lagu bartilmaansaday maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa VOA u xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday.

Wararka ayaa intaa sku daraya in duqayntan ay bartilmaameedsatay laba baabuur oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Malayshiyada Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegano hoostaga Xaradheere, waxaana muddooyinkii dambe jiray iska hor imaadyo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen ammaro ay kooxda kusoo rogtay

Ilaa ahadda lama xaqiijin dadka la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqayntan.

Duqayntan waxaa kale oo tebiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya oo sheegtay in la bartilmaameedsaday baabuur ay leedahay Al-Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this