Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Ka Badbaaday Burbur Siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Israa’iil)-Xukuumadda Israa’iil ayaa u muuqata iney ka badbaadday burbur ku imaan lahaa, ka dib markii dhinac ka mid ah xulafada dowladda uu ka noqday hanjabaad ku saabsaneyd inuu ka baxayo isbahaysiga, taasoo kallifi lahayd in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay.

104400918_netanyahu.jpg

Naftali Bennett oo ka socda xisbiga Yuhuudda ee Jewish Home party ayaa horay u bidhaamiyay inuu ka bixi doono isbahaysiga, balse maanta oo isniin ah ayuu ku dhawaaqay inuu sii joogi doono.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii ugu dambeeyay wada hadallo la yeeshay wasiirrada xukuuumaddiisa, isagoo isku dayayay in isbahaysigiisu uu sii mideysnaado.

Xasaradda siyaasadeed ayaa billaabatay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii gaashaan dhigga ee Israa’iil, isagoo ka careysan xabbad joojin ay Israa’iil la gaartay mintidiinta ku sugan magaalada Qasa, go’aankaasoo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku tilmaameen “isdhiibitaan”.

Mr Bennett ayaa sheegay in uu xisbigiisa kala bixi lahaa isbahaysiga haddii aan loo magacaabi lahayn wasiirka gaashaan dhigga.

Mr Netanyahu ayaa xilkaas si ku meel gaar ah usii hayay tan iyo markii uu wasiirkii hore iscasilay.

Tallaabada uu wasiirkii difaaca uga baxay dowladda xisbigiisana uga saaray isbahaysiga ayaa sababtay in xukuumadda Netanyahu ay hal kursi oo qura aqlabiyadda uga heysato baarlamaanka ka kooban 120-ka xubnood.

Muxuu xisbiga muhiimka u ah isbahaysiga u baddalay ra’yigiisi hore?

Wasiirka waxbarashada Naftali Bennett, oo hoggaamiya xisbiga saddexaad ee ugu weyn isbahaysiga ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in isaga iyo wasiirka caddaaladda Ayelet Shaked ay sii joogi doonaan haddii uu ra’iisul wasaaraha wax ka qabanayo xaaladda “amaan darrada ee heerka xun gaartay”.

“Haddii uu Ra’iisul wasaaruhu si dhab ah u wajaho waxyaabaha uu qorsheynayo, anigoo raba inaan rumeysto hadalladiisii xalay, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan la noqon doonno dalabaadkeennii siyaasadeed isla markaana aan ku garab istaagi doonno howlgalka ku aaddan in Israa’iil ay mar kale guuleysato” ayuu yiri mar uu la hadlayay war fidiyeenka.

Xiisadaha siyaasadeed ee soo food saaray Benjamin Netanyahu ayaa yimid xilli ay muddooyinkii lasoo dhaafay socdeen rabshado soo cusboonaaday oo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Maalintii Talaadada ahayd ayey heshiis xabbad joojin ah isku waafaqeen Israa’iil iyo ururka xamaas, kadib markii ay dadaal dhexdhexaadin ah sameysay dowladda Masar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this