Deeq A. Posted November 20, 2018 Koongo-[Puntland Post]-Saddex qof oo mid kamid yahay askari ayaa ku geeryooday dalka Koongo kadib markii askari kale uu toogtay dadkaasi oo joogay goob aas ka dhacaayey , sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee dalkaasi . Askarigan ayaa sida oo kale dhaawacay ilaa toban qof, kuwaas oo kamid ahaa dadka Aaskaasi kasoo qayb galay magaaladda Jikaaba ee gobolka Kasaay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Ilaa hadda lama oga sababta keentay in askarigani rasaaseeyo dadkan aaska ka qayb gelaayey , iyada oo gobolka Kasaay ay qul qulatooyin ka socdeen laga soo bilaabo 2016 ilaa 2017-kii , iyada oo ay isku dhacyo ka dhacay ka dhacay gobolkaasi ay ku dhinteen saraakiil , saraakiil ciidamada amaanka ka tirsan iyo dad ay ku jiraan khubaro ajaanib ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post dalka Koongo Oo Askar Iyo Shacab Lagu Laayey appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites