Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu dhaliyey go’aankii amniga Muqdisho loogu wareejiyey MAAMULKA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa marar badan dalbaday in lagu wareejiyo xaqiijinta amanka magaalada Muqdisho, iyadoo markii dambe la sheegay in amaanka la hoos geeyay maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa kordhay dilalka Al-Shabaab ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyadoo aysan jirin wali guddoomiye degmo oo wax laga weydiiyay dilka degmadiisa ka dhacday, waxaana jira mashaariic gobolka Banaadir uu ku bixiyo xaqiijinta amaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Yariisow waxay ku doodeen in dilalka qorsheysan kaliya aysan ka dhicin magaalada Muqdisho oo caalamka oo dhan ay ka dhacdo, taasina aysan aheyn mid niyad jibin doonta.

Waxaa muuqata is dhigasho badan oo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ah, tan iyo markii la sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka lagala xisaabtami doono amaanka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ku mashquulsan ka qeyb galka xaflado ka dhacaya dalka dibadiisa iyo qancinta xildhibanada iyo madaxda shaqaalaha u keensada, isaga oo aan si dhab ah ula xisaabtamin guddoomiyaasha gobolka.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuusan laheyn awood buuxda, taasina ay keeneyso inuu ka aamuso falalka qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this