Sign in to follow this  
Deeq A.

TACSI : – Allaah ha naxariistee Marxuumad Hilaalo Cabdi Aden – Dareefe oo Galabta ku geeriyootay Magaalada Nairobi – Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

images-2.jpg

INAA LILAAHU WA INAA ILEYHI RAAJICIIN

GEERIDU WAA XAQ

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Isniin 19.11.2019 ku geeriyootay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Marxuumad Hilaalo Cabdi Adan – Dareefe.

Geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuumada awgeed,waxaa halkan tacsi ka diraya.
Aabe Cabdulaahi Xaashi Lugey
Hooyo Aamino Cali Guure iyo dhamaan Qoyska reer Cabdullaahi Xaashi, sidoo kale
Aabe Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir iyo dhamaan Qoyska reer Xuseen Daaniye waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Cabdi Adan Dareefe,Awlaadi marxuumada ee ilma Aden Cabdalle,Ehelkii iyo Asxaabtii ay marxuumadu ka baxday in Ilaahay Samir iyo Iimaan ku siiyo.

Marxuumadana waxay Allaah uga baryayaan inuu Rabi naxariis iyo Dembi dhaaf siiyo.

FB_IMG_1500656724540-300x198.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this