Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridad Nooce Ahbaa Muuse Muquunin Karta ? W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuse Biixi wuxuu madaxweyne yahay sannad, muddadaa uu dalka hoggaaminaayay horumar iyo waxqabad la xisaabsho oo kordhay ma jiraan. Waxa weli taagan xanaftii kala fogaanshihii doorashada laga dhaxlay oo aan laga soo noqon. Sannadkaasi wuxuu innagaga lumay macno la’aan waxaanu ka go’anyahay dalkeenna. Waxa weli taagan car iyo wir loo baahnaa in laga gudbo oo ay ahayd in laga kabto kol hore.

2C3DB52D-CAA2-4064-B8EA-9C06C2395775.jpe

Hoggaaminta Muuse mid cusub maaha, muuse waa muusaha aynu naqaannay oo soo dhalan maayo, adkaanta, talo qaadasho la’aanta iyo hoggaaminta liidataa waatiisi dabiciga ahayd. Ma aha nin ku habboon in uu hoggaamiyo dalkan yar ee faqiirka ah ee u baahan horumarka iyo kabashada

dawladnimo. Sida uu wax u wadanaa waa dabciga jabhadnimada.
Mucaaridka xanuujinkara waxana hagaajin kara ee Muuse la xisaabtami karaa waa mid Xisbi oo xooggan, mid qabiil ama qolo maaha. Markasta oo ay xooganaato diidmada reereed ee Muuse Biixi wuxuu helayaa fursad uu wax kusii walaaqo is kagana hor keeno ummadda. Markase mucaaridadda xisbiyada la awoodeeyo ee la abaabulaa waa marka uu runta xaqiiqsan doono Muuse Biixi.

Dalka deegaankasta xilbaa ka saaran, waxa jira wax ka weyn doorashada oo dadkan mideeya ahna dal iyo deegaan aan guurahayn. Waxa lama huraan ah in loo guntado walaalaynta ummadda oo lasoo cesho Somaliland-nimadii dhuuxa lahayd ee jirtay sannado ka hor. Isnacaa jira sababtiisu waa hoggaamin xumada Kulmiye talada ku hagaayay sannadada.

Muuse Biixi waa qabiili reernimada ku macaashayay sannado badan, madaxweyne ilbaxa oo duni iyo dumqraadiyad ku indho furtayna maaha waa nin weli aaminsan dhaqankii miyiga. Fursadda keliya ee uu haystaa waa taa reernimada ee maanta taagan, markasta oo reernimo lagaga horyimaadana waa marka ay ugu wacantahay Xisaabtu, marka ayse ku jiq tahay waa marka Xisbiyo mucaarid ka hor yimaadan!

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this