Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti ka socda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Kenya Shir ugu soo xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti ka socda wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland oo maalmahan shirar aqoon kororsi ah oo ku saabsan kor u qaadista hannaanka qiimaynta iyo kormeerrada uga socdeen waddanka kenya ayaa socdaalkoodi soo gunaanadey.

Waftiga ayaa magaaalda Mombasa ee waddanka Kenya uga qayb galay kulan loogu magacdaray toddobaadka Qiimaynta iyo Kormeerada ee waddamada Afrika, iyadoona shirka laysku weydaarsadey aqoon kororsi la xiriira hannaanada qiimaynta iyo kormeerrada ee ay ku shaqeeyaan waddamada Afrika.

Waftiga ka socdey Wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa xoogga saarayey sidii ay cilmi iyo aqoon dheeraad ah uga kororsan lahaayeen muddada uu socdo kulankaani maadaama ay shirarka kasoo qayb galay waddamo badan oo horumar iyo dawladnimo xoogli kajirto.

Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa ku hawlan sidii ay shaqaaleheeda uga dhigi lahayd kuwo ay sarrayso tayada aqoontooda iyo waayo aragnimadooduba maadama oy wasaaraddu mas’uul ka tahay hannaanka jaangoynta qorsheyaasha guud ee Puntland.FB_IMG_1542657659572.jpg?resize=600%2C37 FB_IMG_1542657666337.jpg?resize=600%2C40 FB_IMG_1542657669967.jpg?resize=600%2C40

The post Wafti ka socda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Kenya Shir ugu soo xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this