Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Galgaduud (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degaanka Dhagax-yaale oo udhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan, kaasi oo udhaxeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa yimid markii ciidanka ay gudaha u galeen tuulada Dhagax-yaale oo 50 KM ujirta Guriceel.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Maxamed Sheekh Maxmuud oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab kaga dileen afar, xili dhinacooda uu qiray geerida labo Askari.

Ma jiro illaa iyo haatan war kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka maanta oo Isniin ah ka dhacay degaankaasi, kaasi oo dadku deegaanu tilmaameen in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo dadka degaanka ay soo warinayaan in laga cabsi qabo inuu mar kale qarxo, maadaama ciidamada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab aysan kala fogeen.

The post Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this