Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Galmudug garabka Cadaado oo booqasho ku yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu doortay Degmadda Cadaado, Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] iyo wafuud balaaran oo uu hogaamianayo ayaa galabta kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Magaladda Muqdisho Aadan Cadde.

Axmed Baasto ayaa xubnaha ku wehlinaya safarkiisan uu Muqdisho kusoo gaarey waxa kamid ah xildhibaano iyo wasiiro uu kamid yahay Xassan Keynaan, wasiirka biyaha iyo koronta ee xukuumadii uu soo dhisay madaxweyne Axmed Baasto.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa shacab, waxgarad iyo masuuliyiin kale

Intaasi kadib, wasiirka Madaxtooyadda Galmudug, Cumar maxamed Guureeye la hadlay saxaafada ayaa soo dhaweeyay madaxweyanaha.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan Lagu Doortay Degmadda Cadaado Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] ayaa sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo oo uu ku matalayo bulshada reer Galmudug.

Dhanka kale, wuxuu shaaciyay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Qaranka iyo Bulshada kasoo jeeda deegaanada Galmudug, arimaha uu kala hadli doono ayuu xusay ay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa xasiloonida iyo Hormarka Galmudug islamarkaana meesha looga saari lahaa madmadowga Siyaasadeed ee Jira.

Axmed Maxamed Xassan [Axmed Baasto] oo dhawaan loogu doortay Degmadda Cadaado Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu la fariisan doono dhinac-yadda kasoo horjeeda ee garabka Dhuusamareeb, si meesha looga saaro qilaafyadda jira.

The post MD Galmudug garabka Cadaado oo booqasho ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this