Deeq A. Posted November 19, 2018 Mudug (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo culus ka fuliyeen tuulada Cadaley oo udhaxeysa degmooyinka Camaara iyo Ceel-huur. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in weerarka cirka ah lala beegsaday Gawaari ay la socdeen xubno ka tirsan xakarada Al-Shabaab, inkasta oo aanan la xaqiijin karin nooca ay ahaayeen Gaadiidka oo la tilmaamay inay gubteen. Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay geysatay duqaynta, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah ee ku waxyeelowday duqaynta oo jugteeda meelo fog-fog laga maqlay. Shalay oo Axad ah ayay ahayd markii saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ay sheegeen in duqayn laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe lagu beegsaday idaacada AlShabaab ee Andulus, xubna kalena lagu dilay. The post Duqayn xoogan oo ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites