Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii Nabadaynta Oo Muddo Dhaqaale La’aan Ugu Xanibnaa Magaalada Hargeysa Oo Gaadhay Ceel-afweyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale ergooyinka beelaha ayaa iyaga la filayaan inay soo gaadhaan deegaanka.

Ergada.jpg

Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this