Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo heegan sare la geliyey iyo weeraro Argagixiso oo laga cabsi qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in heegan sare la geliyay ciidamada amaanka ee maamulka Puntland.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Garoowe, maadaama doorasho la filayo in ay ka dhacdo Magaaladaasi.

Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada.

Maalmihii ugu dambeeyey Kooxaha AL-Shabaab iyo Daacish ayaa dilal ka geysanayey deegaano ka tirsan kuwa Puntland, waxayna taas dhalisay shaku ku aadan weeraro ay kooxahaan qorsheenayaan.

Waxaa la arkayey ciidamo hor leh oo lagu soo daadiyey jidadka Magaalada Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan kuwa Puntland

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan puntland la geeyay deegaanka Tukeraq ee obalka Sool.

Deegaanada Puntland ayaa lagu tirin jiray deegaanada ugu halista yar dhanka kooxaha Argagixisada balse maalmihii dambe waxaa muuqato inuu Amniga faraha ka baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this