Deeq A. Posted November 19, 2018 Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya gobalada Bari ee Somaliland, waxaana xalay uu ku hoyday magaalada Berbara, iyada oo lagu wado in uu tago magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Si kastaba, shacabka magaalada Burco waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana aysan dooneyn inuu yimaado magaaladooda. Qaar ka mid ah dadka Burco oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka gobolka Togdheer uu diiday. Waxa ay sheegeen in Muuse Biixi uu sidoo kale ka horyimid mashruucyo muhiim u ah bulshada magaalada Burco, si gaar ah dhismaha Jaamacad laga hirgelin lahaa magalaada Burco. Dadka qaar ayaa lagu soo xigtay inay dhigi doonan dibadbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi, marka uu magaalada yimaado, si ay dareenkooda u muujiyaan. Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah shacbaka Burco https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codadka-Shacbaka-Magalada-Burco.mp3Caasimada Online Xafiiska Burco caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites