Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo qaraxyo lagula eegtay Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi lagula bartilmaamedsaday inta u dhexeysa degmooyina Bardaale iyo Baydhabo ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen labo ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan K/ Galbeed ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxyadaasi, mana cadda illaa iyo hhadda khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale Xarakad Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, sida ay ku baahiyeen baraha bulshada ee Internet-ka.

Al Shabaab aya warkan ku sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaasiyeen Ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada Itoobiya ay horay u sii wateen qaraxyada kadib socdaalkooda.

The post Ciidamo Itoobiyaan ah Oo qaraxyo lagula eegtay Baay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this