Deeq A. Posted November 19, 2018 Kismaayo ( Sh. M. Netwotk )-Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Daraawiishta maamulkaasi, kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu 27-kii bishii October ee Sanadkan uu magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xasan Goolo oo ka mid ahaa Waxgaradka deegaanada Jubbaland. Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ayaa 6-dii bishan November ku ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Marxuum Nabadoon Xasan Goolo Askariga saaka la toogtay ayaa ka mid ahaa 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo dhawaan lagu riday xukuno kala duwan. The post Jubbaland Oo Toogatay Askari ka tirsanaa Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites