Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Awaamiir ku soo rogtay Bajaajleyda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay M/ Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen maamulka degmada, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Puntland, maadaama ay ku soo fool leeyihiin doorashooyin.

Muxyadiin Axmed Muuse taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeya 11:00 ka Habeenimo aysan socon karin Mootooyinka Bajaajka, Gawaarida Takaasida.

Sidoo kalena aysan shaqeyn karin Maqaayadaha laga Cunteeyo iyo Dukaamada, wixii ka dambeeya 12:00 Habeenimo.

Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, si loo xaqiijiyo amniga ka hor doorashada la filayo in ay ka dhacdi magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

The post Puntland Oo Awaamiir ku soo rogtay Bajaajleyda Garoowe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this