Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh Oo loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubaland.

Xasan Sheekh oo ah Xildhibaan sharafeed  ka tirsan Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDP ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Xisbigiisa uu xafiis uga furan lahaa magaalada Kismaayo iyo la kulanka qeybaha bulshada iyo madaxda Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ahaa maamulladii dhismay intii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay, inkastoo caqabad uu kala kulmay dhismaha maamulkaas oo khilaafaad ay hareeyeen bilowga dhismihiisa.

Booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo aan weli xal laga gaarin.

The post Xasan Sheekh Oo loogu soo dhaweeyay Kismaayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this