Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Oo ka qeyb qaadaneysa isbedallada ka scoda dalalka Geeska Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Ra’iisul wasaaraha  dalkaasi Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo dhowr ah oo quseeya gobolka.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA Madaxweyne Geelle ayaa ku amaanay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed isbedallada uu ka sameeyay dalkiisa, tan iyo markii uu la wareegay xilka bishii April ee Sanadkani.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa soo dhaweeyay arrimaha isdhexgalka ee la doonayo in uu dhexmaro dalalka Geeska Africa, waxaana uu ballan qaaday in dowladda Jabuuti ay qeyb ka noqon doonta qorshahaasi.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa carabka ku dhuftay in Jabuuti ay muhiim u tahay marka ay timaado isbedalka Geeska Africa , islamarkaana ay kaashanayaan dhinacyada kala duwan ee lagu hormarinayo gobolka.

Dalalka Geeska Africa ayaa qorshaynaya in ay wadaagaan isdhexgal bulsho iyo isku socodka xorta ah ee Ganacsiga , iyadoona dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay hormuud ka tahay isbedaladdaasi.

The post Jabuuti Oo ka qeyb qaadaneysa isbedallada ka scoda dalalka Geeska Africa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this