Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan Oo ka socday duleedka degmada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Gurciceel ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in haatan dagaal uu ka socdo duleedka degmada Guriceel ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa u dhexeeyaa Ciidamada Galmudug, kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Dhagaxyaale oo qiyaastii 50 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in ay si weydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha illaa iyo hadda ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona haatan dagaalka xoogiisu uu ka socda gudaha deegaanka Dhagaxyaale ee gobolka Galgaduud.

The post Dagaal xoogan Oo ka socday duleedka degmada Guriceel appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this