Sign in to follow this  
Deeq A.

Fulaa Qoryo Badane Muuse Waa Kaa ( Abdi-Shotaly)

Recommended Posts

Deeq A.   

Askariggii la dhoodhoo-baayey, ee xariirta iyo wacanaw loogu yeedhaayey, isaggii baa is kashifay, oo wuxu yahay sheegay, banaanka isi soo dhigay, maah-maah Carbeed baa waxay tidhiaahdaa ” Ahrub al-sanah, wa amsik al-yoom”, oo micna-heedu yahay af- somaliga, ” sanad orod maalin baa lagu qabane. Horaa-se wax kasteu sheegtay soomaaliyi, iyaka oo tilmaamaaya, ruux wax aanu abid samayn, noqona karin isku yeel- yeelaya, murti ay ku sifayna-yaan shakhsini–madiisu, baa waxay tahay ” In kastoo la hagaajoo, hu’ magaalo la saaroo, ragga kiisa, hor-yaaliyo, halyey loogu dhawaaqo, hoori waa iska hoori, waa halkaad ku ogayd, abidkii ma hagaago, hadhka kuuma jiidee, hacoo haysku halayn”. Waa iska

69944509-2BDD-4BFB-8991-9C080FEABCD0.png

sidaase ummad yahay ” Muuse Waa Kaas” hadaba kuwii ugu yeedhi jirey mujaahidka, waxan leeyahay, hays barato tani, dhaaxay been iyo khiyaali, wax aan sal iyo raad lahayn, maaweelo iyo huu-haa aan meela loo soo marin, magacyo aanay lahayn, una qalmin la isugu yeedhaayey, si ummadda loo marin habaabiyo, jarna looga tuuro, Kolba humaag la soo hagoogay, lagu dawakhiyo muwaadi-niinta reer somaliland. Akhristaw aan shaaca ka qaado ceebta askariga’e, halkan hoose ka akhri.

Ceebeey tacaal, shalay baa askariggii safarkii ugu horeeyey, intii kursiga uu boobay, uu u soo qalab qaatay in u goboladda qaar tago, isaga oo ka bilaabay Berbera, ha-yeeshee cajaa’ibka dhacay waxa weeye, wuxu aamini waayey naf-tiisii, iyo ciidan ku sheeggii ka koobnaa jeegaanta, ee weliba calaa- haakadda uu u soo xushay beel ahaan iyo gaashaan buur ahaanba.

(1) Waxad ka arkay-seen tamuujad uu mu sito, koodhka uu gashan yahay hoos-tiisa, taas oo baqdin awgeed uu u soo qaatay, iyo isku kalsooni la’aan, aanu maradiisa aamin-sanayn, cid kale ha sii joogtee, baa xataa aanu ku qanacsa-nayn, in ay difaaci karaan haddii wax dhacaan.

(2) Waxa kale oo uu soo xidhay, kiishaddii laga xidhan jirey xabadda, oo dhabar-kiisa laga arkaayey, hadaba ka sidaas ah, ee shimbiraha soo dul mara ka baqanaaya, wax kaloo dhan iska soo dhaafoo, bay ku sheegayaan mujaahid. Saw markaa maaha kii la yidhi oo belaayo aan jirin baa loo tebiyaaye, ka dib-na maradiisa baa u babataa, oo cir iyo dhulba way u sanqa-dhaan, wax walba-na cadaw buu u qaataa.

Weel waliba waxa ku jira buu dhidi-daaye, qofna ma qarin karo waxa uu yahay. Muran isaga baa iska badane, wakhti aad u fara badan, bay noogu sheega-yeen askarigu waa geesi iyo mujaahid weeye, oo aanu lahayn, waar meela muu u soo marine, ha ceebay-nina magaca mujaahid, waayo lama hayo goor uu halgankii wax ka sameeyey, intii faqashtii lala dagaala-maayey, oo harshin buu laxoodda ka cuni jirey, marka rag is haleelo, lamana arag, mana aanu maqal meel uu ka dagaal galay, cid u soo joog-tayna ma jirto, kaas oo xabad qori ka riday. Waxan ku soo seeteeyey qoraalkan, kuwii durbaanka u garaaci jirayaw, waa kaas is qaawiyey askarigga laf-tiisii, isaga oo aan meel kale looga iman, ee qudhaan-jooy naa ku quuso, jeegaaneey wax ku qaado, waa kaas kacaa-fadhiis ku waashay ” Raggii ma adigaa ka hadhay, ee dhanaba xamili waayeye.
N.B Dhagar Qabe, Dhulkaw Dhaqdha-qaaqa.
Qore:- Abdi-Shotaly.
ashotaly5@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this