Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonyahan Shiine Oo Farriin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ka mid ah wax-garadka iyo aqoonayahanka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland farriimo kala duwan hawada mariyey.

46447670_2220778008190889_18449597409462

Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa si diiran u soo dhaweeyey sida madaxwyenaha Somaliland iyo wefdigiisa loogu qaabiley magalaada Berbera, Isla markaana ammaaney sida uu madaxweynuhu u qaabiley guud ahaan haldoorka iyo odoyaasha gobolka saaxil.”Waxaan madaxweynaha ku ammaanayaa sidii loogu soo dhaweeyey gobolka Saaxil, waxaanan ku ammaanayaa madaxweyne Muuse Biixi sida uu u qaabiley guud ahaan odoyaasha gobolka Saaxil”Ayuu yidhi Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine).

Sidoo kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha ku Ammaaney socodaalka uu ku tegey gobolada qaar, halka qaar kalena ugu socod:-.”Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa safarrada uu ku tegey gobolada Somliland qaarkood, halka qaar kalena uu u sii jeedo” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Aqoonyahan Shiine.

Geesta kale Aqoonyahan Shiine waxaa uu madaxweynaha ka codsadey in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland:-“Waxaan madaxweynaha kula talinayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland”

Aqoonyahan Shiine ayaa sii raaciyey hadalkiisa:-“Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland, gaar ahaan kuwa West Burco Clan, Si gaar ahaaneed guddidii baaqyada ka soo saarey buurta gacan-libaax”

Geesta kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha uga digey in aanu la shirin shakhsiyaad gaar ah oo ka mid ah beelaha West Burco Clan, marka laga reebo guddidii shirka beelaha Garxajig ee Gacan-libaax:”Madaxweynaha Waxaan kula talinayaa in aanu la shirin askhaahs gaar ah, balse uu la shiro uu tabashadooda dhegeysto guddiidii shirkii beelaha garxjis Ee buurta Gacan-libaax”Waa sida uu hadalka u dhigee.

Si kastaba ha ahaatee farriimahan uu Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), uu hawada u mariyey ayaa noqon doono qaar wax ku ool ah oo mudan uu madaxweynuhu is-dul-taago.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this