Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Kismaayo tegay iyo Axmed Madoobe oo ereyo cajiib ah ku soo dhoweeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wafti la socda, ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland.

Wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweynaha Jubaland, madaxweyne ku xigeenka, iyo dadweyne fara badan.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe ayaa erayadii soo dhowayntiisa waxaa ka mid ahaa “ku Soo dhowow Mudane mirihii aad beertay iyo maamulkii aad dhistay, Sharaf ayey inoo tahay adigoo asaasihii (founder) maamulkaan ah inaad noo nasoo booqato annaguna aan ku soo dhoweyno”

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ee Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu  dalka ka ahaa Xasan Sheekh.

Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan.

Xassan Sheekh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso maamulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed.

Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda.

Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago.

46456450_10156654116317319_3076648184097 46464903_1400441956756406_39822105262843 46479425_10156654116327319_4138239141890

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this