Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo u dhaxeeyo Galmudug iyo Shabaab oo ka qarxay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel  (Caasimadda Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jira Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay Saakay soo galeen, degaankaasi,islamarkaana ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa Saacaddo kooban gacanta ku haayay degaankaasi, waxaana la sheegay in dib uga baxeen Markii ciidanka Galmudug ay soo qaadeen Weerar labo Geesood ah.

Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay lama xaqiijin karo, maadaama uu wali soconaayo,laakiin wali waxaa socda Gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaray Labadda dhinac.

Ciidanka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay degaano hoos yimaada degmada Guriceel ka waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Guriceel
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this