Deeq A. Posted November 19, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan dalka Talyaaniga. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doono muddo 2 Cisho, waxaana safarkani ku wehlinaya xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana ay sheegeen in uu la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana uu ka teegeeraa dhinacyo ay ka mid tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Farmaajo Oo saaka ku wajahan Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites