Deeq A. Posted November 19, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa la sheegay in weerar jidgal ah ay ku qaadeen Gaarigaasi, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu Shabelle u xaqiijiyay, Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala isbitaal ku yaalla gudaha deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dableyda rasaaseeyay Gaarigaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay amniga Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka Waddadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofa-1.mp3 The post Gaari Rakaab ah Oo lagu rasaaseeyay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites