Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Oo ku wajahan Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Qaban qaabo iyo diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Ujeedka socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay ballaarin ku aadan xisbi uu dhawaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulan gaar ah uu la qaadan doono Madaxda sare ee Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Madoobe.

Safarka Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagayo Jubbaland ayaa ku soo aadayo, xilli weli u taagan yahay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee dalka.

The post Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this