Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koofur Afrika Oo Dib U Bixinaya Lacag Uu Ololihiisii Madaxtinnimo U Istcimaalay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Johannesburg)-Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xidhiidhinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada.

104391015_71c99fba-f1d8-49fc-b0cd-bd32ee

Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan.

Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda.

Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC.

Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa.

Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC).

Sidee ayay tan ceeb ugu tahay Ramaphosa?

Mmusi Maimane, oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance, ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Bosasa bixisay uu u muuqdo mid laga shakiyo, si la mid ah dhammaan heshiisyada kale ee dowladda ANC.

Tan iyo intii uu xukunka kala wareegay bishii February sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq, Ramaphosa ayaa u ololeeyay caddaalad u sameynta bulshada.

Bishan dhexdeexa ayay ahayd markii uu ku sheegay musuqmaasuqa hareeyay Koofur Afrika mid faafaya.

Isagoo garwaaqsan in dadka Koofur Afrika ay careysan yihiin ayna doonayaan inay arkaan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan oo xabsiga loo diray, ayuu Ramaphosa xaaladda haatan la barbar-dhigay dhibbane kufsi oo lagu qasbay inuu daawado qofkii kufsaday oo xornimo ku naaloonaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this