Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Saaka Ku Sii Jeeda Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

farmajos-1.jpg

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga, waxaana la filayaa in marka uu gaadho Rome uu la kulmo madaxda dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Talyaaniga kala hadli doona xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidammada Booliska.

Talyaaniga ayaa horay u gumeystay Soomaaliya, hase ahaatee 10-kii sano ee u dambeeyay doorka uu ku lahaa Soomaaliya ayaa muuqan, kaddib markii dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska ay kaga saameyn bateen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this