Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Nacnac Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Gaadho Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid mudanayaash golaha wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu safarkiisa gobolada bari uu ku gaadho Degmada Badhan ee gobolka Badhan, waxaanu Madaxweynaha Illaahay ugu baryey inuu safarkiisa ku soo guuleeyo.

xildhibaan-nacnac-310x233.jpg

Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ogaatay in degmada Badhan ay tahay dhulweynaha Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu baabiyo dhismaha uu Cabdiweli Gaas u dhagax dhigay baarlamaanka Puntland ee ugu talo galay in ay shirarkooda ku qabsadaan, waxana uu yidhi “Madaxweyne adiga oo nabad ah iyo annaga oo nabad ah, Insha alla waad nagu soo noqon doontaa, Madaxweyne Badhan gaadh oo halkii Cabdiweli (Madaxweynaha Puntland” dhagax dhigay ee barlamaanka tag oo dhagaxiisi baabii oo ha ogaada in Badhani ay Somaliland tahay, adduun weynuhu ogaada.”

Hadalka Xildhibaan Nacnac ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi uu safar shaqo ku marayo gobolada bari ee jamhuuriyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this