Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayey ku baxsadeen kooxdii soo qorsheysay weerarkii ugu cuslaa ee loo diyaariyey Nairobi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay in xubno la shaqeeyay Al-Shabaab oo ku lug lahaa weerar loo qorsheeyey magaalada Nairobi, kadibna ka baxday laamaha amaanka Kenya, inay wali joogaan gudaha dalka Kenya, ayna suuragal tahay inay weerar kale qorsheeyaan.

Xubnahan ayaa abaabulay weerarkii ugu cuslaa ee qarax baabuur ah oo loo qorsheeyey magaalada Nairobi bishii Febraayo, balse la fashiliyey.

“Dhowr xubnood oo la yaqaano ayaa ka baxsaday xabsiga, waxay kamid ahaayeen kooxda weerarka geysatay- kuwaasi oo ka kooban shan ruux, waxayna wali halis ku yihiin Kenya, maadaama ay ku jiraan gudaha dalka” sidaasi ayaa lagu sheegay warbixinta Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Somalia iyo Eritrea.

Kooxda ayaa shirkada bixisa adeega Mobile ee SAFARICOM ku eedeysay inay diiday inay warbixin la wadaagto laamaha amaanka taasi oo ku saabsan xiriirka iyo faahfaahinta kooxaha looga shakiyay Argagixisada.

Laakiin SAFARICOM ayaa ah shirkad si weyn ula shaqeysa laamaha amaanka ee dalka Kenya, waxayna u gudbisaa warbixinada iyo codadka xubnaha ku wada hadla arrimaha Al Shabaab.

Warbixinta oo ka koobneyd 156 Page ayaa sidoo kale lagu sheegay inay baaritaan ay ku wadaan qaabka dhaqaalaha ay ku helaan Al Shabaab, waana tan kaliya ee wali u sahleysa inay sii dhaqdhaqaaqaan

Kormeeraha guud ee Ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet, ayaa iska diiday inuu ka hadlo eedeymaha la xiriira laaluushka ciidanka Booliska ay ka qaataan AL SHabaab, isaga oo sheegay in wali uusan aqrin warbixinta, sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaanan ka hadlin arintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this