Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in dowladda QATAR ay taageereyso musharax Abu Mansuur?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Arabiya ayaa bogiisa ku qoray warbixin lagu sheegay in dowladda Qatar ay taageereyso Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Roobow uu yahay qeyb ka mid ah qorshaha ay Qatar ku ballaarineyso saameynteeda siyaasadda Soomaaliya.

Qatar ayaa la sheegay in markii hore ay qeyb ka ahayd in Roobow kasoo baxo Al-Shabaab, islamarkaana noqdo siyaasi caadi ah, oo dadkiisa dhinaca ka raaca, sida warbixinta ay leedahay.

“Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobow uu xiiriir la leeyahay Qatar, ayada oo warbaahinta Qatar [Al-Jazeera] ay gacan ka siiyeen isku day uu sumcadiisa dib ugu dhisayo kadib muddo uu Al-Shabaab ahaa”

Warbixinta Al-Arabiya ayaa u muuqata mid dowladda Qatar ku eedeyneysaa inay hogaamiye argagixiso u gacan gelineyso awoodda mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya.

Al-Arabiya waxaa leh dowladda Sacuudiga, oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Qatar. Ujeedada horey ee loo aas-aasay Al-Arabiya waxay ahayd in lagula loolamo taleefishinka Al-Jazeera oo Qatar ay leedahay.

Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa horey ugu eedeeyey Qatar inay taageerto kooxaha ay reer galbeedka argagixisada ugu yeeraan, sida kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, iyo kooxda Xamas ee Falastiin.

Warbixintan Al-Arabiya ay Roobow kula xiriirisay Qatar ayaa waxaa suurtagal inay qeyb ka tahay ololaha dowladda dalkaas loogu eedeynayo inay gacan siiso kooxaha argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this