Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay Ujeedada Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo inay tagaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in safar maalmo ah madaxweynaha ay ku tagi doonaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Ujeedada socdaalka ayaa ah inay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta dowladda Talyaaniga, waxaana ay kala hadli doonaan arimo badan oo ay kamid yihiin tahriibka dhalinyarada Soomaaliya iyo xiriirka ganacsiga, Dhaqaalaha iyo amaanka.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid aheyd dowladdihii taageeri jiray Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinaysa in dib loo soo celiyo taageeradii Talyaaniga ee xooganeyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameynaya dalalka taageeri jiray Soomaaliya waxaana hadda wanaagsan xiriirka u dhaxeeya wadamada bariga Africa iyo Soomaaliya.
Soomaali badan ayaa tahriib ahaan dalka Talyaaniga kaga sii gudba qaarada Yurub, halka qaarkood ay ku dhibaateysan yihiin xeryo ku yaala xuduudaha dalka Talyaaniga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this