Sign in to follow this  
Deeq A.

“Kooxda Cadaado DF ayaa gacanta ku heysay haddana meel cidla ayay joogaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wali lama xalin Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug, waxaana guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug uu shaaciyay arin kale oo xiisadda sii kordhineysa.

Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyay inay dhawaan dooran doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug, maadaama xildhibaanada Galmudug ee Dhuusomareeb ay horey xilka kaga qaadeen.

Wuxuu sheegay in madaxda ku sugan magaalada Cadaado ay taageeri ka heli jireen, balse hadda laga joojiyay taageeradii sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in masuuliyiin ay aqoonsan yihiin aysan ku sugneyn Cadaado.

Dhawaan ayuu sheegay inay magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug, dhawaanna booskaasi ay buuxin doonaan.

“Waxa kaliya oo noo harsan ayaa ah inaan buuxino booskii madaxweyne ku xigeenkii oo aan xilka ka qaadnay, dhawaan ayaana rabnaa inaan doorano madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaana dhawaan sameyn doonaa guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka”ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Xildhibaanada Galmudug ayaa la kala saftay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkii Carabeey, iyaga oo fariisin ka kala dhigtay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxay doorteen guddoon baarlamaan iyo madaxweyne kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this