Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxay tahay sababta Daacish u beegsanayaan shaqaalaha shirkadaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Daacish oo dagaalyahano aan badneyn ay ka joogaan Koonfurta Somaliya ayaa maalmahan waxa ay bilaabeen beegsiga Masuuliyiinta qaar ee Shirkadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa dooneysa inay ka soo caan baxdo Koonfurta Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo maalmahan dilal qorsheysan ay ka fulinayaan, waxaana ay doonayaan inay argagax ku abuuraan Bulshada.

Hadafka ugu wayn ee Daacish u beegsanayaan Madaxda Shirkadaha qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay inay dhaqaale ka doonayaan Shirkadaha, waana sababta ugu wayn ee dilalka ugu gaysanayaan xubnaha Shaqaalaha Shirkadaha qaarkood.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay gaysteen Daacish, kuwaasi oo loo gaystay xubno ka tirsanaa Shaqaalaha mid ka mid ah Shirkadaha ku yaallo Muqdisho.

Daacish waxa ay horay lacag uga qaateen Shirkado kale oo ku yaalo Muqdisho gudaheeda, kadib markii Shaqaalaha iyo madaxda Shirkadahaasi ugu hanjabeen inay dilal qorsheysan u gaysanayaan.

Al Shabaab ayaa dhaqaale waxa ay ka qaadaan Shirkadaha iyo ganacsatada Somaliyed ee dalka ku sugan, waxaana hadda soo baxaya Daacish oo lacago ka doonaysa ganacsatada iyo Shirkadaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this