Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Oo Amar Ku Siisay Weriyaasha dawladda Inay Curiyaan Wax-Qabad Gacan Ku Rimis Ah Sanadkan Sii Galbanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Muddo Sanad Ah Ayay Haatan Madaxa La Gashay Waqtigii Uu Hoggaanka Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

90141B18-A8F4-428D-A6A8-573CAA789B5A.jpe

Sicir Bararkii Iyo Taagdaradii Dhaqaale Ee Bulshada Danyarta Ah Codkooda Ku Qaatay Inuu Wax Ka Qabanayo, Ayaa Weli Halkii Taagan Kana Sii Daray, Kadib Kolkii Ay Xal Lagu Maareeyo U Weyday Xukuumaddu.

Shacbiga Oo Naawilayay Inay Xukuumadda Cusubi La Timaado Tab Iyo Xeelad Cilmiyaysan Oo Ay Halkii Wax Taagnaayeen Kaga Sii Amba Qaado,Ayaan Ilaa Maanta Haba Yaraatee Ka haynin Hagardaamo Mooyee Waxqabad La Taaban Karo Oo Ay Ku Talaabsatay Mudadaasi Sannadka Ah.

Balanqaadkiisii Ahaa Inuu Muuse Biixi Soo Dhisi Doono Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh Ayaa Ku Danbaysay “Xeradayadu Waa Wada Ul Oo Ul La Qaato Ma Leh”.

Shacbiga Ayaa Weli Waxay Ku Dawakhsan Yihiin Goobaha La Isugu Yimaadana Isku Weydiiyaan, Danta Uu Ka Lahaa Iyo Dookha Uu Ku Xushay Masuuliyiin Aan Midkodna Xataa Waayo Aragnimo Loogu Xisho Iyo,Magac Ku Lahayn Bulshada, Danta Uu Ka Lahaa La Garan Karin,Isla Markaana Ku Jirin Mid Qudha Oo Xataa Beeshooda Runta U Sheegi Kara,Qancin Kara Ama Xiisad Ka Dhex Dhalatay Reerkiisa Xal U Raadin Kara.

Goboladii Iyo Shacbigii Shabakadda Ahaa Ee Isku Duubnaa Ayaa U Muuqda Mid Sii Kala Durkaya Xilliba Xilliga Uu Ka Danbeeyo.

Dhinacyada Intii Xukuumadda Muuse Joogtay Xaydaabka Ka Baxay Waxa Ugu Xamaasad Badan Shacbiga Gobolka Sool Oo Xiisadoodu Marnaba Aanay Hoos U Degin.

Asbaabaha Saamaynta Ku Yeeshay Inay Kasii Fogaadaan Xayndaabka Somaliland-Ta, Ayaa Lagu Tiriyaa Kadib Markii Xukuumada Muuse Albaabada Ka Xidhatay Tabashooyinkii Jiray Iyo Wada Hadaladii Khaatumo State Iyo Somaliland U Dhexeeyay Ee Cali Khaliif Galaydh Odayga Ka Ahaa Oo Uu Meel Fiican Soo Gaadhsiiyay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sababta Kale Ee Taasi Hore Soo Raacda Ayaa Ahayd, Kadib Markii Shacbiga Gobolkaas Ay Si Weyn Saamayn Ugu Yeelatay Khudbad Si Aan Ka Fiirsasho Lahayn Madaxweynuhu Weedho Takoor Iyo Qabyaalad Xambaarsan Kaga Jeediyay Xafladii Xuska 18ka May,Isir Ahaana Uu Ugu Duray.

Xanaftii Ka Dhalatay Loolankii Axsaabta Oo Shacbiga Aad U Kala Fogaysay Ayaa Xiisadeedii Iyana Weli Taagan Tahay,Wax Laga Qabtayna Aany Ilaa Haatan Jirin.

Is Ka Dhaaf Wax Kaleba Waxaan Maanta Cidnaba Caad Ka Saarayn Sida Xisbigii Kursiga Saaray Muuse Biixi Uu Degel Degel Ugu Fadhiyo Ee Toban Degel Ugu Kala Fadhiyo,Kadib Markii Tiirarkii Xisbigu Ku Jaah Wareereen Dhinaca Uu Wax Ku Wado Hoggaankii Ay Halganka U Galeen Kursi Saaristiisa, Shacbigana Ugu Sheegeen Habeen Dhaladka.

Dhinicii Siyaasada Arimaha Dibadda Iyo Dublumaasiyada,Ayaa Qof Kastaaba Maanka Ku Hayaa Sida Ay Inoogu Soo Oodantay Mudadaa Sannadka Ah .

Arimaha Gudaha Dalka Ayaa Dhibaatooyin Badan Oo Maarayntoodu Adag Tahay Iyo Colaado Baahsani Ka Taagan Yihiin Weli, colaadii u danbaysay ee DHUMAY,waxa uu si qayaxan wasiirka arimaha guduhu warbaahinta ugu sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka qaban karin hadii ay dhex galaana colaadu intaasi kasii badanayso taasi oo ay ka dhalatay inay hadh cad kaalintii ay gabtay ka dul qaado dawlada ethiopia oo talo bixin iyo taageero daaha dabadiisa ah ka helaysa beesha caalamka una soo gurmatay beelihii dirirtu ku dhex martay gobolka sool.

Iyadoo Shaqo La’aan Baahsan Oo Naafaysay Shacbiga Ay Ka Jirto Dalka, Ayaa Kaaga Sii Darane Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Mudadii Ay Xilka Haysay In Ka Badan 300 Oo Ka Mid Ah Hawlwadeenadii Hay’adaha Dawladda Waxay Banaanka Ka Dhigtay Shaqooyinkii Ay Ka Hayeen Hay’adahaasi,Taasina Waxay Sii Biirisay Nacaybkii, Qaybo Kamid Ah Shacbigu U Qabeen Xukuumadda Fudaydka Aqoon Darrada Iyo Eexda Uu Ku Anqariyay Gadhwadeenku.

Waxa Hadaba Wax Lala Yaabo Ah In Xukuumadda Xaalkeedu Sidaa Yahay Iyo Boqol Waxyeello Oo Aan Lagu Koobi Karin Halkan,Ay Hadana 7aadkii U Danbeeyay Abaabul Ugu Jirtay Sidii Loo Curin Lahaa Barnaamijyo Gacan Ku Rimis Ah Oo Ay Ku Sheegayso Wax-Qabadyadii Sannadka Damacdayna In Looga Sii Daayo Bulshada Televisionada.

Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Wasaarada Warfaafinta Waxa Agaasinka Hawshaasi Iyo Hanti Lacageed Oo Dhan Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Ah Kharashkii Programada Ay Madaxtooyada Somaliland U Xil Saartay Weriyihii Bbc-Da U Joogay Burco Ee Xasan Xagar,agaasimaha tvga dawlada jaambiir iyo xubno kale Oo Hawlahaasi Ku Guda Jira.

Qaar ka mid ah weriyaasha oo ka cudur daartay magacooda ayaa ku cabanaya inay dawakh qaadeen amarka la dul dhigay,xilli aanay u muuqan wax ay dadka u sheegaan oo ay qabatay xukuumaddu.

safarkiisa waqtigan uu ugu socdaalay gobolada ayaa dadka wax garadka ahi ku tilmaamayaan showgii ka dhinaa waxqabadkiisa gacan ku rimiska ah, kuna buuxsanyo in kastoo cabsi badani ku gadaaman tahay.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaynu Ka Dhur Sugnaaba Waa Bal Waxa Ay La Gole Timaado Xukuumadda Muuse Ee Ay ku Bixinayso Hantidii Ummadda iyo Cashuurtii Hooyada Danyarta Ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this