Deeq A. Posted November 18, 2018 Jilib (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen degmada Jilib, halkaasi oo ay maamusho xakarada Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in weerarka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay burburiyeen xarun lahayd idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Andulus. Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale sheegay in duqaynta lagu beegsaday Saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay Jilib, islamarkaana dil iyo dhaawac loogu geystay xubno ka tirsan Shabaab. Dhowaan ayay ahayd markii dagaal uu ku dhex-maray degmada Jilib xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dambeeyay markii uu yimid shaki xoogan oo ku saabsan inay xiriir la leeyihiin qaar kamid ah kooxda Daacish faraca Soomaaliya. The post Diyaarado dagaal oo duqaymo ka fuliyay Jubbada Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites